WARARKA SOOMAALI

Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray Erdogan & Xasan Sheekh?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa telefoon kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Wadahadalkooda ayaa xoogga saaray xiriirka dhow ee labada dal, muhiimadda ay leedahay nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka.

Labada Madaxweyne ayaa mar kale adkeeyey istarataatiijiyadda iskaashiga labada dal, gaar ahaan iskaashiga difaaca iyo horumarinta dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay doorka Turkiga ee dhiirrigelinta wadahadallada nabadeed ee lagu xallinayo caqabadaha horyaalla gobolka.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa xusay in Soomaaliya ay soo dhawanayso dadaallada Turkiga ee waanwaanta iyo wada-xaajoodka ay garwadeenka ka yihiin ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo adkeeyay in iskaashi kasta uu ixtiraamo madaxbannaanida, midnimada, iyo xuduudaha qaranka Soomaaliya, iyadoo la raacayo sharciga iyo nidaamka caalamiga ah.

Habeen hore ayey aheyd markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu sidaan oo kale kulan khadka telefoonka kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha  Itoobiya Abiy Axmed, iyagoona ka wadahadlay waan-waanta uu Turkiga ka dhex wado dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray Erdogan & Xasan Sheekh?
To Top