WARARKA SOOMAALI

Maxaa ka jira in gaadiid ay leedahay Wasaaradda A/Dibadda DF uu gacanta u galay AS?

Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) ayaa ka hadlay warar sheegayay in gaadiid ay leedahay Wasaaradda uu gacanta u galay dagaalamayaasha Al-shabaab.

Wasiir  Abshir Huruuse oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku  sheegay in aysan waxba ka jirin wararka lagu faafiyay baraha Bulshada ee sheegayay in Al-shabaab uu gacanta u galay mid kamid ah gaadiidka ay leedahay Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya.

“Waxaan Ummadda Soomaaliyeed ogeysiinayaa in aanu jirin gaadiid aan leeyahay ama wasaaradda arrimaha dibadda leedahay oo ka maqan gacantayada ama u galay Al-Shabaab,” ayaa yiri wasiir Abshir Cumar Jaamac.

Sidoo kale Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ujeedka warkan loo faafiyay uu yahay in lagu jahwareeriyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo arrintaasi ka digay. “Warka arrintaas la xiriira ee baraha bulshada lagu faafiyay waa been abuur lagu jahwareerinayo Ummadda Soomaaliyeed,”

Ma’a markii ugu horreysay ee uu soo baxay kiis la xiriira arrintan, waxaana horay u dhacday in gaadiid ay leedahay Wasaarad dowladeed lala aaday dhanka xoogaga dagaalamayaasha Al-shabaab.

Maxaa ka jira in gaadiid ay leedahay Wasaaradda A/Dibadda DF uu gacanta u galay AS?
To Top