Xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Jabuuti ayaa sheegay in xisaab hubin la sameeyey lagu helay in lacag balaayin franc ah laga lunsaday dowladda Jabuuti.
Warbixin uu soo saaray Xeer-ilaaliyaha ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Miisaaniyadda ay lunsatay hanti dadweyne oo loogu dhiibay inay ku daboosho kharashaadka dowladda.
Xeer-ilaaliyaha ayaa xaqiijiyay in la xiray laba mas’uul oo ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda iyo wasiir hore, isla markaana ay ku socdaan baaritaano kala duwan.
Waxa uu sidoo kale sheegay Xeer-ilaaliyaha in la xiray qaar ka mid ah ganacsatada ku lugta laheyd lunsashada iyo xubno kale oo baaritaanka uu soo galay.
