WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn cusub uu ka fuliyey Jubbada Hoose

Ciidamada Mareykanka ayaa 3 duqeyn oo ay ku dileen 10 ka tirsan Al-Shabaab waxa ay ka fuliyeen meel u dhow degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, halkaasi oo ciidamada Soomaaliya ay dagaal culus kula galeen Al-Shabaab.

Howlgalka ayay ciidamada Mareykanka ku tilmaameen mid is difaacid ah. Gelinkii hore ee maanta, Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ka badan 40 dagaalamayaasha ah lagu dilay howlgal wadajir ah oo ka dhacay, isla gobolkaas.

Hawlgalka oo dhacay waaberigii hore ee saakay oo Axad ah waxaa uu isugu jiraa duqeyn xaga cirka ah iyo mid dhulka ah oo ay fuliyeen Ciidamada sida gaarka ah u tababbaran ee Danab ayaa waxaa lagu qaaday goob la sheegay inay isku aruursanayeen Al-Shabaab

Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sidoo kale baahisay in hawlgalka al-shabaab looga dilay saraakiil sare, inkastoo aysan magacyadooda sheegin sidoo kalena lagu bur buriyey hub iyo gaadiid dagaal.

Mareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn cusub uu ka fuliyey Jubbada Hoose
To Top