WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo Khubaro iyo Qalab Khaas ah u diray Turkiga uu gurmad ka socdo

Kooxdaasi oo ka kooban 159 qof, 12 Eeyaha loo  tababaray hawlaha Baadi-goobka dadka iyo qalab khaas ah oo culayskiisu dhan yahay 77,110 Kilograms ayaa ka degay Saldhiga Ciidanka Cirka ee Incirlik Air Base oo ku yaalla magaaladda Adana.

Danjiraha Maraykanka u jooga Turkiye,  Ambassador Jeff Flaje ayaa soo dhaweeyey Kooxdaasi oo ka yimid Los Angels iyo Fairfax County dalka Maraykanka.

Kooxdaasi oo isugu jirta kuwa Baadi-goobka iyo Samata-bixinta waxay ka wada tirsan yihiin Hay’adda kaalmada Caalamiga Maraykanka ee USAID,  iyagoo kaalin ka qaadan doona Dadaalka hawlaha lagu raadinayo dadka nool iyo maydadka weli ku hoos xaniban Dhismayaasha ku burburay Dhul-gariirkii dhawaan ka dhacay dalkaasi.

War Saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda USAID ayaa lagu sheegay inay Khubarada Maraykanka u safri doonaan Gobalka Adiyaman, iyadoo ay Dowladda Türkiye xiriirinayso Hawlgallada Gurmadka iyo Baadi-goobka dadka weli ku hoos xaniban burburka Dhismooyinka.

Ilaa 10 Gobal ayuu saameeyey waxyeellada Dhul-gariirkii ka dhacay W/Bari ee dalkaasi.

Mareykanka oo Khubaro iyo Qalab Khaas ah u diray Turkiga uu gurmad ka socdo
To Top