WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo ka welwelsan Hanjabaad culus oo loo diray Sacuudiga

Madaxweynaha dowladda Mareykanka Joe Biden ayaa shaaca ka qaaday inuu aad uga walaacsan yahay farriinta hanjabaada ah ee dowladda Iiraan u dirtay boqortooyada Sacuudi Carabiy.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad Talaadadii shalay ayaa sheegay in Mareykanka ka laba-labayn doonin inuu ka jawaabo hanjabaadahaas Iiraan u dirtay boqortooyada Sacuudia, ayna ka jawaabi doonaan.

Mas’uulkan ayaa hadlay kadib markii wargeyska Wall Street Journal uu sheegay in Sacuudiga uu la wadaagay xog sir ah oo uu Mareykanka uga digayo weerar ka yimaada Iran oo lagu bartilmaameedsado Boqortooyada Sacuudiga.

Mareykanka ayaa sheegay in Iran ay siisay Ruushka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado dagaalka ka dhanka ah Ukraine, taasoo keentay in Washington ay dhinac iska dhigto dadaallada lagu doonayo in dib loogu soo nooleeyo heshiiskii Nukliyeerka ee Iran, kaasoo uu madaxweyne Donald Trump ka baxay 2018-kii.

Mareykanka oo ka welwelsan Hanjabaad culus oo loo diray Sacuudiga
To Top