WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo dambi ku helay Rag doonayay inay Af-duubtaan Guddoomiye

Maxkamad Maraykan ah ayaa dembi ku heshay laba nin oo lagu eedeeyey inay maleegeen qorshe lagu afduubayo Guddoomiyaha Gobolka Michigan, Gretchen Whitmer, sannadkii 2020. Kuwaas oo doonayey inay afduubaan Guddoomiyaha, iyagoo sidoo kale qorsheeyeen inay qarxiyaan buundooyin ama ay bartilmaameedsadaan ciidanka boolisku, haddii ay u soo gurmadaan, inta uu socdo falka afduubku.

Adam Fox iyo Barry Croft Jr. ayaa sidoo kale lagu helay dembi kale oo ah, inay qorsheeyeen inay helaan hubka wax gumaada, oo ay ku jiraan, bam lagu qarxiyo buundo iyo in la jahawareeriyo ciidanka booliska, xilliga uu socdo qorshaha lagu afduubayo Guddoomiyaha gobolka Michigan.

Barry Croft Jr. oo ah dareewal kaxeeya Gaadiidka waweyn, kana soo jeeda gobolka Delaware ee dalka Maraykanka, ayaa sidoo kale lagu xukumay eedo kale oo la xiriira inay haysteen walxo qarxa.Kiiskan ayaa baaristaankiisu bilawday, ka dib markii uu Dan Chappel oo hore ugu soo dagaalamay dalka Maraykanka, oo ka tirsanaa koox sida ciidanka militariga u tababaran oo ka dhisan gobolka Michigan, uu sheegay inuu maqlay, xubno ka sheekaysanaysa inay laayaan ciidanka Booliska. Ninkan ayaa aqblay inuu si hoose ula shaqeeyo laanta dembi baarista Maraykanka ee FBI.

Dan Chappel oo si dhow ula shaqaynayey kooxda qorshaynaysay inay afduubaan barasaabka Michigan, ayaa bilaabay inuu si hoose u duubo sheekooyinkooda, isagoo ka qayb gelayay tababarada loogu diyaargaroobayo afduubka guddoomiyaha gobolka.

 

SONNA

Mareykanka oo dambi ku helay Rag doonayay inay Af-duubtaan Guddoomiye
To Top