WARARKA SOOMAALI

Maleeshiyaad hubeysan oo la wareegay Goobta Doorasho Puntland ka dhaceysay

Wararka ka imaanaya degmada Eyl oo ka tirsan Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maleeshiyo hubeysan la wareegeen hoolkii lagu qaban lahaa doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka degmadaas.

Xubnaha Golaha degaanka Eyl oo doorasho qof iyo cod ah lagu doortay 25 October 2021 ayaa lagu waday in ay maanta doortaan Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen cusub.

Maleeshiyaadka ayaa ciidanka Booliiska Puntland kala wareegay hoolkii doorashada waxaana rasaas labada dhinac dhexmartay ku dhaawacmay hal ruux, sida ay kusoo warrameen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Dhacdadan ayaa imanaysa xilli xubnihii Golaha deegaanka ee ururka Kaah u kala jabeen labo garab oo qabiilaysan.

Laba musharrax oo ay kala wataan labada garab ee Urur siyaasadeedka Kaah ayaa u sharraxan doorashada Guddoomiyaha degmada Eyl.

Ururada mucaaradka ayaa horay uga guulaystay urur siyaasadeedka xukuumadda guddoomiyaasha degmooyinka Qardho iyo Ufayn oo laga qabtay doorashada qof iyo cod.

Maleeshiyaad hubeysan oo la wareegay Goobta Doorasho Puntland ka dhaceysay
To Top