WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Mahdi Guuleed oo War kasoo saaray Dabka xoogan ee Suuqa Hargeysaa

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guleed Khadar ayaa waxaa ka hadlay dabka khasaaraha badan dhaliyey ee ka kacay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa, Caasimadda Somaliland.

Mahdi Guuleed ayaa waxaa uu sheegay inuu aad uga xun yahay masiibadii adduun ee ka dhacday suuqa weyn ee Hargeysa (Waaheen), kaasi oo dabka gebi ahaan baabi’iyey, isla markaana ay Dabka ku gubteen malaayooyin Dollar.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda ayaa dhammaan bulsho weynta iyo Ganacasatada Soomaaliyeed ka codsaday in loo gurmado walaalaheen waxyeelladu gaartay, waxna laga barto musiibaddaas aadka u xanuunka badan ee ka dhacday suuqa Hargeysa.

Khasaaro hantiyadeed oo farabadan ayaa ka dhashay dabka ka kacay Suuqa weyn ee Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxaana sidoo kale waxyeelo kasoo gaartay dabkaas 28 qof oo kamid ahaa dadkii ugu horreeyay ee Gurmadka sameeyay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Mahdi Guuleed oo War kasoo saaray Dabka xoogan ee Suuqa Hargeysaa
To Top