WARARKA SOOMAALI

Mahad Salaad oo Maanta gaaray Degmada Doolow & xogta ujeedka safarkiisa

Agaasinaha hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad iyo wafdi saraakiil oo uu hoggaaminayay ayaa gaaray degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Agaasime Mahad Salaad ayaa Doolow u tagay sidii uu kulamo ula yeelan lahaa Maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan, isagoo hadlaya howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo laga bilaabayo halkaas

Sidoo kale Mahad Salaad ayaa degmada Luuq kula kulmaya Wasiirkii hore ee amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo jimcihii lasoo dhaafay gaaray Gobolka Gedo.

9-kii bishaan ayey aheyd markii taliyihii Nabad-sugidda gobolka Gedo Bakaal Kooke uu ku geeriyooday degmada Luuq kadib markii gaarigiisa loogu xiray Qarax.

Safarka Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa imanaya xilli uu sii xoogeystay khilaafka ka taagan gobolka Gedo, kaasi oo u dhaxeeya maamulka gobolka iyo dowlad-gobaleedka Jubbaland.

Mahad Salaad oo Maanta gaaray Degmada Doolow & xogta ujeedka safarkiisa
To Top