WARARKA SOOMAALI

Mahad Salaad oo dalbaday in baaris Deg-deg lagu sameeyo dilkii Taliye Bakaal Kooke

Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa dalbaday in baaris deg deg ah lagu sameeyo qaraxii Maanta lagu dilay Taliyihii Nabadsugida ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Agaasime Mahad Salaad oo qoraal kooban bartiisa Twitter-ka kusoo qoray ayaa waxaa uu hay’addaha baarista uga dalbaday  in ay baaritaan dhab ah ku soo sameeyaan dilkii bdiraxmaan Cabdulaahi Aadan (Bakaal Kooke).

Qarax miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa Taliye Bakaal Kooke lagula eegtay inta u dhexeeysa Luuq iyo degmada Doolow ee Gobolka Gedo, waxaana qaraxa uu haleelay gaari ciidan oo uu watay Taliyihii Nabadsugida ee Gobolkaas.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkan, waxaa ay tilmaameen in weerarka ay ku furteen hub, iyagoo intaas kusii daray in mudo ay ku raad joogeen saraakiishan ay beegsadeen.

Mahad Salaad oo dalbaday in baaris Deg-deg lagu sameeyo dilkii Taliye Bakaal Kooke
To Top