WARARKA SOOMAALI

Madfac ay tuureen Ciidanka ATMIS oo khasaaro gaarsiiyay Dad isku qoys ah

Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa madaafiic ku garaacay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana faah faahino laga helayaa khasaaraha ka dhashay madaafiicda oo qaarkood ku habsaday guryo ay degan yihiin dad shacab ah.

Dadka deegaanka Bariire oo la hadlay warbaahinta gudaha u sheegay in mid kamid ah madaafiicda ay tuureen ciidamada ATMIS uu ku dhacay guri ay ku sugnaayeen dad isku qoys ah, isla markaana waxaa hoobiyaha kasoo gaartay waxyeelo.

Inta la xaqiijiyay madfaca ku dhacay guriga ayaa waxaa ku dhaawacmay aabe iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen, kuwaasi oo durbadii loola cararay xarun caafimaad, sidoo kalena waxaa la tilmaamay in madaafiic kale ku dhaceen dhul banaan.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada ATMIS oo ku aadan dhacdadaas ka dhacday eegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Ma’aha markii ugu horreyay oo ay ATMIS waxyeelo u geysato dad shacab ah.

Dhawaan ayey aheyd markii Al-Shabaab weerar culus oo lagu xasuuqay ciidamo farabadan oo ka tirsan ATMIS ku qaadeen saldhig ciidanka Uganda ay ku leeyihiin magaalada Buulo-mareer.

Madfac ay tuureen Ciidanka ATMIS oo khasaaro gaarsiiyay Dad isku qoys ah
To Top