WARARKA SOOMAALI

Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo ka shiray Arrimo muhiim ah

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Kulanka labada Madaxweyne maamul Goboleed ayaa waxaa looga wada hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin Amniga, siyaasadda, Ganacsiga iyo Doorashada dalka gaar ahaan tan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday xoojinta wadashaqeynta ka dhexeeysa maamulada iyo sidii wax looga qaban lahaa xaaladda Abaaraha ka jira deegaannada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ee saameeynta ku yeelatay kummanaan qoys.

Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa Madaxweyaha Jubbaland uga mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran ee shacabka Maamulka iyo Mas’uuliyiin u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa oo shalay gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Kulanka dhexmaray labada Madaxweyne Lafta-gareen iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala tirsan maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo ka shiray Arrimo muhiim ah
To Top