Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur galaya xaalada ciidamada qaranka iyo kuwa halyeeyada shacabka ee ku howlan dib u xoreynta dalka ayaa soo gaaray degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Aadan-yabaal kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo ka baadan bil ku howlan abaabulka iyo dardar-galinta hawlgallada Al-shabaab ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa waxaa kusoo dhaweeyay degmada Aadan-yabaal, Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka soomaaliyeed Sarreeye guuto Ibraahim Sheekh Muxyidiin iyo saraakiil kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa afartii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Maxaas, halkaasi oo kulamo kula soo qaatay Odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo saraakiisha ciidamada, sidoo kalena waxa uu heshiis lasoo gaaray Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ah hoggaamiyaha ciidanka macwiisleyda.