Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya, sida lagu shaaciyay Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Ujeedka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Magaalada Arusha ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay taageero u raadida in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka ku bahoobay dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa inta uu ku sugan yahay waxaa uu kulan la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Tansaaniya, iyagoona ka wada hadli doona Arrimo kala duwan oo ku aadan xoojinta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Tansaaniya.
“Dalladdan waxaa dib loo aas-aasay sanadkii 2000, iyada oo ay ku mideysan yihiin toddobo (7) dal oo wadaaga suuq-ganacsiyeed ballaaran kaasi oo muhiim ah u ah dhaqaalaha Gobolka” ayaa lagu yiri Qoraal ay soo saaray Villada.
Sidoo kale waxaa ay intaas kusii dartay Madaxtooyada “Dhaqaalaha wadajirka ah ee dalladda sanadkii waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 300 oo Bilyan oo Doolarka Maraykanka ah, iyada oo wadarta tirada dadweynaha ku nool dalalkan lagu qiyaaso 312 oo Malyan kuwaasi oo leh hal Baasaboor oo mideeya”
Dowladda Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxa ay gudbisatay sanadkii 2016-kii.