WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta Cafis u fidiyey Maxaabiis farabadan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta oo sabti, kuna beegan maalinta 2-aad ee Ciida Cafis u fidiyey maxaabiis farabadan oo ku xirneyd Xabsiga dhexe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee Ex-control Afgooye.

Qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Cafis u fidiyey 127 maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee Ex-control Afgooye.

Maxaabiista ayaa saaka lasii daayay, waxaana uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda cafiska ugu fidiyey Munaasabadda Ciidul Fitriga awgeed, oo maanta oo sabti ah ku beegan maalinta labaad ee Ciida, maadaana oo shalay oo jimco ay kow aheyd.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah ayaa soo jeedin u sameeyay Madaxweynaha JFS in cafis Madaxweyne lagu sii daayo maxabiista ku xukuman dambiyada fudud ee ku xirnaa xabsiga Dhaxe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee KM7.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta Cafis u fidiyey Maxaabiis farabadan
To Top