WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo kusii jeeda furimaha Dagaalka & Xogta la helay

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inuu booqasho ku gaaro deegaano ka tirsan Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud ee dowlad Goboleeyada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ujeedka socdaalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay mid la xiriira kormeer uu sameeyn doono furimaha dagaalka iyo xeryaha ay degan yihiin ciidamada xoogga dalka iyo ciidanka deegaanka ee macwiilseyda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida ay ku warrameen Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo, marka hore tagaya degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoona kadib usii gudbi doona degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Shalay ayaa waxaa Galcad gaaray Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Axmed Aadan Cali, waxaana xusid mudan in dowladda Federaalka ay ciidamo farabadan geeysay Aadan-yabaal iyo Galcad.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dardargelin doono wejiga labaad ee howlgalka lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa horay u booqday jiida hore ee dagaalka, isaga oo tegay furimaha hore ee Hirshabelle iyo Galmudug oo uu mar kale hadda soo booqanayo, waxaana safarkiisa ku wehlin doona saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka.

Xasan Sheekh oo kusii jeeda furimaha Dagaalka & Xogta la helay
To Top