WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay MW ku-xigeenka Bangiga Adduunka

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyda ku qaabilay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka Qeybta Bariga iyo Koonfurta Afrika Marwo Victoria Kwakwa iyo wafdi ay hogaamineysay.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay howlaha horutabinta u leh Soomaaliya, isagoo ku dhiirigaliyey Bangiga Adduunka in mashaariicda hadda socda iyo kuwa soo wajahan ay noqdaan qaar horumarinta, nabada, maalgalinta, shaqaaleynta iyo addeega bulshada wax ka tari kara isl markaasna raad muuqda reebi kara.

Madaxda Bangiga Adduunka ayaa waxaa ay balan qaadeen inay sii wadi donaan xiriirka adag ee miradhalka ah ee u dhxeeya Dowladda Soomaliya iyo Bangiga, gaar ahaan qeybaha ay danaynayso Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu jiheeyo mashaariicda laga fuliyo dalka, qeybahaas oo ay ka mid yihiin, tacliinta, kalluumaysiga, aqoonta beeraha iyo kobcinta ganacsiga gaar ka loo leeyahay, si loo kordhiyo dhaqaalaha iyo dakhliga.

Madaxweynaha ayaa u soo jeediyay mas’uuliyiinta Bangiga Adduunka inay kordhiyaan tirada muwaadiniinta Soomaaliyeee ee ka shaqeeya Bangiga kuwaas oo fahmi kara baahiyaha horumarineed ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay MW ku-xigeenka Bangiga Adduunka
To Top