WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo heshiis la saxiixday Madaxda Talyaaniga & Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Addis Ababa uga qeybgalay shirka saddex-geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.

Shir Madaxeedka dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya ayaa looga wadahadlay iskaashiga dhinacyada Amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, sidoo kale kulanka ayaa lagu lafo-guray danaha wadajirka ee ka dhaxeeya saddexda dowladood si loo xaqiijiyo qorsheyaasha muhiimka u ah shucuubtooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxda Shirka guulaha miro-dhalka ah ay sida wadajirka ah u gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan ka xoreynta dalka waxa loogu yeero argagixisada,

Sidoo kale Madaxda ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah Al Shabaab, hurmuudna u noqota horumarka iyo xasilloonida Gobolka.

Dhankooda, Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni iyo  Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray wajiga koowaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo, iyagoo xusay ahmiyadda ay u leedahay in dalalka Gobolka iska kaashadaan ciribtirka argagixisada, gaar ahaan Waddamada safka hore ee dariska la ah Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo heshiis la saxiixday Madaxda Talyaaniga & Itoobiya
To Top