Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo siyaasiyiinta, Odayaasha dhaqanka, saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiin kale ka wada degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Kulamada ayaa inta badan looga hadlayaa arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xallinta tabashooyin ay qabaan beesha degta bariga magaalada Beledweyne iyo dardar-gelinta howlgalada lagula dagaalamayo Al-Shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka qaadista lagu sameeyay, balse kasoo horjeestay Cali Jeyte Cismaan ayaa heshiis hordhac ah oo la xiriira arrimaha howlgalada ku gaaray degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha iyo Cali Jeyte ayaa isku afgartay in wixii siyaasad ah dib loo dhigo, isla markaana wixii la xiriira dagaalka Al-Shabaab uu hoggaamiyo Cali Jeyte Cismaan, isagoo toos u hoos tagaya Madaxweynaha.
Dad ku dhow kulanka ay ku heshiiyeen labada dhinac ayaa ku warramay in Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Jeyte, uusan cid kale hoos tegeyn, uuna u madaxbanaan yahay wixii khuseeya hawlgalinta ciidanka Macawisleyda ee Gobolka Hiiraan.