WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hal Arrin ugu baaqay shacabka Somaliyeed

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay inaysan dowladda fulin karin ballan-qaadayadeeda ay horey u gashay haddii aysan helin taageerada shacabka kuna filneyn maamulka dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in isku tashiga dowladda iyo shacabka ay aas-aas u tahay horumarka uu ku tallaabsanayo dalka, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta wadashaqeynta heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Wuxuu intaas kusii daray in dowladda dhexe ay mudnaan gaar ah siineyso horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka musuqmaasuqa, adkeynta amniga, dhammeystirka dastuurka iyo xoojinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweye Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay dowladda Federaalka kala shaqeeyaan oo ay ka taageeraan fullinta ballan-qaadayadeeda horey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu bishaareeyey shacabka Soomaaliyeed in goobihii ugu horreeyey ay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay kala wareegeen Ciidamada Midowga Afrika ee dhowr iyo tobonka sano ilaalinayey amniga dalka, taas oo muujinaysa in Soomaaliya ay gaarayso dhammaadka sannadka soo socda isku filaansho dhanka amniga iyo xaqiijinta nabadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hal Arrin ugu baaqay shacabka Somaliyeed
To Top