WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hal Arrin uga digay Saciid Deni

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka hadlaayay masaajidka Madaxtooyada ayaa dhaliil weyn u jeediyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo uu khilaaf kala dhexeeyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu sheegay in aysan raali ka aheyn inuu nidaamka ka dumo maamulka Puntland ama ay isdilaan, isagoo tilmaamay in khilaafka ka dhexeeyo Maamulka iyo siyaasiyiinta uu gaaray meel adag.

Madaxweynaha ayaa uga digay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo maamulkiisa inay isku dayaan doorasho aan la isku raacsaneyn.

“Madaxda Puntland, waa in ay tix galiyaan rabitaanka shacabka, ayna dhageystaan talada siyaasiyiinta iyo dhaqanka deegaanka. Raalli kama noqon karno in muddoo kooban lagu dumiyo tacab 24 sano aan soo dhiseynay” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha dowladda Federqalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay hoggaanka Puntland inay ka feejignaadaan tallaabo kasta oo khal-khal gelin karta nidaamkii ay horay Puntland ugu soo caana maashay.

Khilaafka haatan u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Saciid Deni ayaa banaanka usoo baxay, kaddib muddo uu ka baaqsanayay inuu bannaanka u soo baxo khilaafkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hal Arrin uga digay Saciid Deni
To Top