WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Mareykanka iyo ujeedka safarkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Mareynkanka halkaas oo uu kaga qeyb geli doono shirka madaxda Afrika iyo Mareykanka oo ka dhacaya magaalada Washington.

Shirkan oo socon doona muddo saddex cisho ah ayaa looga hadli doonaa muhiimadda xiriirka Afrika iyo Mareykanka iyada oo la xoojinayo dhinacyada iskaashiga; dhaqaalaha, amniga, gargaarka, caafimaadka, dowlad wanaagga, xuquuqul insaanka iyo isbeddelka cimilada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mid ah madaxda Afrika ee shirkan lagu casuumay ayaa jeedin doona khudbad ku saabsan la dagaallanka dagaalamayaasha Al-shabaab,

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka warbixin doona guulaha dowladda Soomaaliya ay ka gaartay ciribtirka Al-shabaab, iyo dhinacyada kale ee dowladda Soomaaliya ay muhiimadda siineyso in ay iskaashi ka sameyso.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Mareykanka iyo ujeedka safarkiisa
To Top