WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Jabuuti & xogta Shirka furmaya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelaya Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ayaa gaaray Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Dalkaas.

Meertada 14-aad ee IGAD oo sannadkan diirradda lagu saari doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda, amniga iyo horumarka Gobolka ayaa  Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxa ay ku soo bandhigi doonaan doorka kaga aaddan dowladda Federaalka Soomaaliya iskaashiga dalalka ku bahoobay Ururu Goboleedka IGAD.

Hoggaamiyaasha dowladdaha xubnaha ka ah IGAD ayaa xoogga saaraya xal u helidda dagaalka ka socda dalka Sudaan, mideynta dadaallada heer gobol ee ciribrirka argagixisada, xoojinta isdhexgalka gobolka,  nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

Madaxda IGAD ayaa waxay shirkooda uga xaajoon doonaan xoojinta Iskaashiga dalalka xubnaha ka ah Urur-Gobaleedkaasi, sare-u-qaadida Is-dhexgalka Bulshada, xoojinta Nabadda, deganaanshaha, kordhinta Dhaqaalaha, Barwaaqaynta iyo Horumarinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Jabuuti & xogta Shirka furmaya
To Top