WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Saciid Deni oo xil kale u magacaabay Agaasimihii Ciidanka PSF

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xil cusub u magacaabay Agaasimihii hore ee Ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano oo uu horey xilka qaadis ugu sameeyay, ayna tallaabadaas ka dhalatay xiisad isku bedeshay dagaal.

Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu Maxamuud Cismaan Diyaano ugu magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Ciidanka Kommandooska Amniga Puntland (Puntland Security Commando Forces), kadib markii xal laga gaaray xiisada.

Hoos ka Akhriso Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha dowlad Goboleedla Puntland  Saciid Cabdullaahi Deni.

Kadib markii uu qiimeeyey xaaladda amni iyo dhaqan dhaqaale ee Magaalada Boosaaso.

Kadib markii uu la tashaday Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Kadib markii uu la tashiyo la sameeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Isimada, Madaxweynayaashii hore, Waxgaradka iyo hay’adaha kala duwan ee Puntland.

Kadib markii uu tixgaliyey dadaaladdii kala duwanaa ee muddada ka socday Magaalada Boosaaso ee ku wajahnaa xal u helista shaqaaqadii ka dhacday Magaalada.

Madaxweynaha Puntland ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 009 , 04 March 2022, wuxuuna xeeriyay:-

1-Waxaa S/Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka gaarka ah ee Sirdoonka Puntland (Puntland Intelligence Special Forces).

2-Waxaa S/Guuto Maxamuud Cismaan Cabdullaahi loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka Kommandooska Amniga Puntland (Puntland Security Commando Forces).

Si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda Dalka u dagsan, dib ayaa laga soo saarayaa xeer nidaamiye qeexiya kala xadeynta waajibaadka guud ahaan ciidamada kala duwan ee Puntland.

*Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Madaxweyne Saciid Deni oo xil kale u magacaabay Agaasimihii Ciidanka PSF
To Top