WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Saciid Deni oo magacaabay Guddiga dardar-gelinta doorashooyinka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Wareegto Lr. 02, 13-ka Oktoober 2022, kuna saabsan Magacaabidda Guddiga Dardagelinta doorashooyinka Puntland.

Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Saciid Deni ayaa ka kooban 11-xubnood oo u badan xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada, waxaana Guddoomiye looga dhigay Guddiga Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxe.

Habeen hore ayey aheyd markii Madaxweynaha Puntland uu kulan la qaatay Ururada Siyaasadda Puntland iyo Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, kulanka ayaa ahaa is xogwareysi iyo dardargelinta Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Hoos ka Akhriso magacyada xubnaha Guddiga ee la magacaabay

1- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda  Guddoomiyeye.

2- Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR Xubin.

3- Wasiirka Maaliyadda Xubin.

4- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta  Xubin.

5- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta  Xubin.

6-Wasiirka Warfaafinta  Xubin

7- Wasiirka Haweenka  Xubin

8- Wasiirka Waxbarashadda  Xubi

9- Wasiirka Caafimaadka  Xubin

10- Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada  Xubin

11 – Madaxtooyada  Xoghayn

Guddigaan ayaa waxay u xilsaaran yihiin dardargelinta Doorashooyinka Punltland iyo fududaynta tasiilaadka looga baahan yahay.

Madaxweyne Saciid Deni oo magacaabay Guddiga dardar-gelinta doorashooyinka
To Top