WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Saciid Deni oo Maanta ku wajahan Degmooyin ka tirsan Puntland

Madaxweynaha Puntland dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo sabti ah waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland.

Magaalooyinka Waaciye & Carmo ayaa lagu wadaa in uu ku sii hakado ka hor inta aanu tegin Magaalada Boosaaso oo ay ugu danbaysay sannadkii hore markii Al-shabaab ay gashay xabsiga Boosaaso.

Boosaaso ayaa waxaa taalla kuraasta doorashada ugu adag ee Puntland, kuwaasi oo ay quud-darraynayaan qaar kamid ah Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee hore ugu fadhiyey.

Doorashada marka laga yimaaddo arrimaha kale ee socdaalka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni la xidhiidho waxaa kamid ah xal u helista khilaafkii dagaalka sababay ee hoggaanka ciidanka hay’adda PSF, mase cadda sida loo wajahayo.

Madaxweyne Saciid Deni oo Maanta ku wajahan Degmooyin ka tirsan Puntland
To Top