WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Qoorqoor oo dib shaqada ugu celiyay Wasiir xilka laga qaaday

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shaqada dib ugu celiyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Qoorqoor ayaa waxaa mar mar kale Wasiirka Arrimaha gudaha Galmudug shaqadiisa loogu celiyay Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) oo hore shaqo joojin loogu sameeyay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhammaan hay’addaha Maamulka faray inay la shaqeeyaan Wasiir Cabdi Maxamed Jaamac, isla markaana Wasiirka laga doonayo inuu shaqadiisa si toos ah u guto.

Wasiirka Arrimaha gudaha Galmudug ayaa hore shaqo joojin loogu sameeyay, kadib markii uu Isbedel ku sameeyay Golaha deegaanka degmada Ballanbale ee Gobolka Galgaduud, waxaana  xiligaas shaqada ka joojiyey Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Madaxweyne Qoorqoor oo dib shaqada ugu celiyay Wasiir xilka laga qaaday
To Top