WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo War kasoo saaray weerarkii ka dhacay Gaalkacyo

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ee la wareegay xilka Madaxweynaha Maamulka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka hadlay weerarkii xalay lagu qaaday Guriga uu Magaalada Gaalkacyo kaga sugnaa Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Cabdisaciid Muuse Cali.

Axmed Karaash oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku Cambaareeyay weerarkii ka dhacay Gaalkacyo oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wuxuuna tilmaamay inuu aad uga xun yahay wixii dhacay oo ay fuliyeen Ciidamada Booliska.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sheegay inuu Guddi baaritaan loo magacaabayo xaqiiqa raadinta dhacdadaas, isla markaana in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata falka dhacay.

“Baaris ka dib, cid kasta oo falkaas ku lugyeelata waxaa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan” ayuu yiri Axmed Karaash oo Qoraal soo saaray, isagoo tacsi u diray Askariga dhintay, wuxuuna Caafimaad Alle u weydiiyey dadka dhaawacmay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdicasiid Muuse Cali ayaa ka badbaaday weerarka lagu qaaday Guri uu Magaalada Gaalkacyo kaga sunaa, waxaana ku dhaawacmay Nabadoon caan ka ah Puntland iyo dad kale oo la joogay.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo War kasoo saaray weerarkii ka dhacay Gaalkacyo
To Top