WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland oo shaqo joojin ku sameeyay laba Wasiir

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan  Karaash ayaa shaqo-joojin ku sameeyey Wasiirka Duulista Hawada iyo Wasiirka Dekedaha Puntland kuwaasi oo lagu eedeeyey ku lug-lahaanshaha celinta diyaaraddii shalay ee Boosaaso.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka Puntland, ayaa lagu sheegay in markii uu arkay baalmarida iyo fulin la’aanta waajibaadka dastuuriga ah iyo husiimo la’aanta mas’uuliyadeed ee fuointa Shaqada & waajibaadka dastuuriga ah ee Puntland Shaqadii looga joojiyay Wasiirka Duulista Hswada iyo Garoomada Xuseen Cismaan lugatuur & Wasiirka dekadaha iyo Gaadiidka Badda Axmed Yaasiin Saalax.

Ugu dambeyn Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa sheegay in Shaqada ay sii wadi doonaan labada Wasiir kuxigeen.

Horay waxaa u dhaqan geli waayey, wareegtooyin xilka qaadis iyo xil magacaabis ah oo uu soo saaray Madaxweyn kuxigeenka Puntland Axmed Karaash.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland oo shaqo joojin ku sameeyay laba Wasiir
To Top