WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiye ku-xigeen cusub magacaabay

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa magacabay Guddomiye ku-xigeenka Gobolka Galgaduud, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa Xasan Muuse Samatar u magacaabay inuu noqdo Guddomiye ku-xigeenka Gobolka Galgaduud, isla markaana wuxuu bedelayaa Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee xilkaas haayay.

Cali Daahir Ciid ayaa faray dhammaan laamaha amniga dowlad Goboleedka Galmudug inay la shaqeeyaan Mas’uulka cusub ee la magacaabay, sidoo kalena waxaa Xasan Muuse Samatar lagu amray inuu guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiye ku-xigeen cusub magacaabay
To Top