WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Guudlaawe oo xilkii ka qaaday Guddoomiye Cali Jeyte

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, isagoona magacaabay Guddoomiyaha cusub ee bedelaya Cali Jeyte.

Wareegto kasoo baxday saqdii dhexe ee xalay Xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xilka looga qaaday Cali Jeyte Cismaan, waxaana xilkaas uu Madaxweyne Guudlaawe u magacaabay abdullaahi Axmed Maalin (Sufurow).

Sababta keentay xilka qaadista Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ayaa lagu sheegay inay tahay in baahi loo qabo in la dardar-geliyo howlaha kala duwan ee horyaala Maamulka Gobolkaas iyo mideynta bulshada, si loo hirgeliyo shuruucda iyo Dastuurka Hirshabeelle.

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa mar sii horreysay sheegay in Al-Shabaab ay malaayiin dollar ku bixineyso sidii meesha looga saari lahaa Guddoomiye Cali Jayte Cismaan, isla-markaana xilka looga qaadi lahaa.

Tallaabada xilka looga qaaday Jeyte ayaa ah mid lama filaan ah, maadaama uu qeyb ka ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isagoona horey u hoggaaminayay dagaalo Al-Shabaab looga saaray deegaano dhowr ah oo ka tirsan Hiiraan.

Madaxweyne Guudlaawe oo xilkii ka qaaday Guddoomiye Cali Jeyte
To Top