WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Guudlaawe oo gaaray Degmo ay dhowr jeer weeraraan Al-shabaab

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen Guudlaawe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Degmada Matabaan Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ka koobnaa Wasiirro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale waxaa degmada kusoo dhoweeyay Maamulka Degmada, Saraakiisha  Hay’addaha Amaanka, Waxgaradka, iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa Maamulka iyo bulshada Matabaan uga mahadceliyay soo dhoweynta balaaran ee ay u sameeyeen, waxa uuna sheegay in Maamulka  Hirshabeelle uu ka shaqeyn doono adeegyada horumarineed ee degmada Matabaan.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen Guudlaawe ayaa inta uu joogo Degmada waxa uu kulamo la qaadan doonaa waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Matabaan Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle ayaa waxaa inta badan weeraro ku qaada Al-shabaab, waxaana xusid mudan mar ay Al-shabaab weerareen degmadaas ay qaraxyo ku burburiyeen Xarumihii degmada iyo Saldhiga Booliska.

Madaxweyne Guudlaawe oo gaaray Degmo ay dhowr jeer weeraraan Al-shabaab
To Top