WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo soo saaray Baaq ku socda Golaha Wadatashiga Qaran

Qoraal kasoo baxay Xafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku booriyay Madasha Wadatashiga Qaran in diirada saaraan sidii loo soo gabagabeyn lahaa doorashada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay Madasha Wadatashiga Qaran ay ku mideesan yihiin Madaxda dowlad Goboleedyada in khilaafyada ka jira doorashada si wadar-ogol ahna lagu dhammeeyo  si dalku uu hore ugu sii socdo.

”Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku boorinayaa Madasha Wadatashiga Qaran inay diiradda saarto sidii loo soo gabagabeyn lahaa doorashooyinka, si wadar-ogol ahna lagu dhammeeyo arrimaha taagan ee xalka u baahan si dalku uu hore ugu sii socdo.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Baaqan Madaxweyne Farmaajo ayaa imaanaya xilli xildhibaanada Koonfur Galbeed aysan qaatan shahaadada xildhibaanimo, waxaa sidoo kale khilaaf ka jiraa xildhibaanada deegaan doorashadooda tahay Magaalada Garbahaarey.

Madaxweyne Farmaajo oo soo saaray Baaq ku socda Golaha Wadatashiga Qaran
To Top