WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo Shir uga qeyb galaya Uganda iyo Xog laga helay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa lagu wadaa in 15 Bishaan uu Magaalada Kampala ee dalka Uganda kaga qeyb galo Shirka Urur Goboleedka IGAD.

Shirka ayaa waxaa sanadkaan looga hadlayaa xaalada Itoobiya oo dagaalo ay ka socdaan iyo xasaradaha siyaasadeed ee kajira dalka Suudaan oo uu Afgembi ka dhacy.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in shirkaas lagu falanqeyn doono in isku aragti laga ahaado xaaladaha kajira Gobolka gaar ahaan arrimaha ka taagan dalalka Itoobiya iyo Suudaan.

Wasiir Cabdirisaaq oo la hadlay BBC-da waxaa uu sheegay in ay ka xun yihiin waxa ka socda dalka Itoobiya, sidoo kalena saameyn ay ku yeelan karto waxkasta oo ka dhaca dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka socda dagaalo  culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka Itoobiya iyo Kooxda TPLF, waxaana Xukuumadsa Itoobiya ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed oo saaxiib gaar ah la ah Madaxweyne Farmaajo uu wajabayaa xaaladdo adag.

Madaxweyne Farmaajo oo Shir uga qeyb galaya Uganda iyo Xog laga helay
To Top