Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib safar shaqo oo maalmihii la soo dhaafay ay ku joogeen dalka aan walaalaha nahay ee Qadar.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa dalkaas waxa uu kala hadlay Amiir Tamiim binu Xamad, dhammaystirka mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka waddo Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee dalkeenna,
Sidoo kale labada Mas’uiul ayaa ka wada hadlay isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha, horumarinta Waxbarashada Hoose/Dhexe ee Soomaaliya iyo dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida.
Sidoo kale, Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee Madaxweynaha ku weheliyey safarkan iyo dhiggooda Qadar ayaa wadajir u lafo guray aayaha iyo miro-dhalka xiriirka Labada Dal iyo danaha wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka Gobolka, si loo sii xoojiyo iskaashiga mugga weyn ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qadar