Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan ayaa la filayaa inuu bisha soo socota ee February 3da booqdo Caasimadda dalka Ukraine ee Kiev.
Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga, Ibrahim Kakin ayaa sheegay inuu Madaxweyne Erdogan kaalin ka qaadan doono dadaalka lagu qaboojinayo Xiisadda Colaadeed ee u dhexeysa Turkiga iyo Ukraine.
Erdogan ayaa waxa uu dhigiisa dalka Ukraine, Volodymyr Zelenskyy wada-hadal kula yeelan doona magaalladda Kiev, sida laga soo xigtay Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga, Ibrahim Kalın.
Sidoo kale, Erdogan ayaa waxa uu dhigiisa dalalka Ukraine iyo Raashiya ku casuumay inay Kulan Fool-ka-Fool ku yeeshaan Turkiga, haddii ay doonayaan inay yareeyaan Khilaafka iyo Kala-duwanaanshaha u dhexeeya labadooda dal.
Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka Raashiya iyo Ukraine ayaa waxa uu salka ku hayaa Qabashadii Raashiya ee Gobalka Crimea sanadkii 2014-kii.