WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Erdogan oo baajiyey Socdaal uu ku tegi lahaa Israel

Madaxweynaha dalka Türkiye,  Rajab Dayib Erdoğan ayaa waxa uu maanta hadalkaasi ka sheegay kulan uu Xisbigiisa Caddaalada iyo Horumarka ee AK Party ku yeesheen Xarunta weyn ee Baarlamaanka dalkiisa.

Mar uu ka hadlayey sababta uu u baajiyey Socdaalka uu ku tegi lahaa Israel ayaa waxa uu cad u sheegay inay u sabab tahay Hawlgalka Milliteri ee ay Askarta Israel ka wadaan magaalladda Qasa ee Falastiin.

Madaxweyne Erdoğan ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay inay Israel waajib ku tahay inay joojiyaan Duqeymaha lagu hayo magaalada Qasa ee go’doonsan, in la dhowro Furnaanshaha Dhabaha Gargaarka Samafalka ee Xuduudka Masar iyo in Wada-xaajoodyada la dedejiyo, si loo sii daayo La-haystayaasha.

Dhanka kale,  Madaxweyne Erdoğan waxa uu ka hadlay Halganka Ururka XAMAAS,  isagoo yiri: “XAMAAS ma aha Urur Argagixiso,  balse waa Koox Mujaahidiin u dagaalamayso si ay u dhowraan Dhulkooda iyo Muwaadiniintooda”.

Madaxweyne Erdogan oo baajiyey Socdaal uu ku tegi lahaa Israel
To Top