WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Deni oo xilalkii ugu badnaa magacaabay (Akhriso Magacyada)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay magacaabay xilalkii ugu badnaa, isagoo dadka uu magacaabay isugu jireen Taliyeyaal ciidan, Guddoomiyeyaal Gobol, Agaasimeyaal iyo mas’uuliyiin kale.

Wareegtooyin farabadan oo kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayuu xilalkaasi ku magacaabay, waxana uu xilka qaadis ku sameeyay mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan, kuwaasi oo lagu bedelay xubnaha uu magacaabay Madaxweynaha Puntland.

Deni ayaa mas’uuliyiinta uu xilalka ka qaaday waxaa ku jira masuuliyiintii iyo saraakiisha amniga ee Gobolka Nugaal oo xaruntiisa Magaalada Garowe oo sidoo kale ah caasimada Puntland ay maalmo ka hor ka dhaceen dagaalo ka dhan ah maamulkiisa.

Xilalka la magacaabay waxaa ka mid ah:-

1-Cabdiraxamaan Abshir Faarax waxa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal

2-Mukhtaar Faarax Jeer Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Gobolka Nugaal

3-Cabdiraxmaan Ciise Maxamed (Bariir) Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Gobolka Nugaal

4-Cabdi Cali Qarjab La-taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Gudaha iyo Amniga.

Qaalib Xasan Maxamuud Baaruud La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada iyo Wacyigelinta.

6- G/Sare Maxamed Cali Axmed Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Nugaal

7- G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Taliyihii hore Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal loo bedelay Taliyaha Qabta Boliiska Gobolka Karkaar

8-Waxaa G/Sare Aadan Axmed Cali loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Sanaag

9-Waxaa G/Sare Fu’aad Maxamud Xuseen loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Gardafuu.

10-Waxaa Cumar Cismaan Siciid loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu.

11-G/Dhexe Qaasim Jaamac Shire waxaa loo magacaabay Taliyaha Ururka Danab ee Kamaandosta Ciidanka Madaxtooyada Puntland.

12-Waxaa Maxamed Cabdullaahi Ismaaciil loo magacaabay Xisaabiyaha Guud ee Puntland

13-Waxaa Axmed Jaamac Jawle loo magacabaay Agaasimah Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.

14-Waxaa Cabdulqaadir Axmed Xaashi loo magacaabay Agaasime Ku-xeenka Guud ee Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda

15-Waxaa Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal loo magacaabay Agaasime Ku-xeenka Guud ee Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda

16-Waxaa Yuusuf Maxamed Faarax (Geesa Wayne) loo magacaabay Agaasime Ku-xeenka Guud ee Bankiga Dowlada Puntland

17-Waxaa Maxamed Cali Faarax (Faramyeeri) loo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta

Puntland

18-Waxaa Eng. Cabdulqaadir Cabdidaahir Maxamed loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee

Puntland

19-Waxaa Maxamuud Xassan Maxamed (Cawil Mataan) loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga iyo Puntland

20-Waxaa Sharmaarke Yaasiin Cali loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda

21-Waxaa Xasan Maxamed Ciise (Goodir) loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha

22-Waxaa Shaafici Maxamed Ismaciil loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Daaqa iyo Isbedelka Cimaladd

23-Waxaa Cabdixakiin Maxamed Cismaan loo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka

24-Waxaa Cabdifitaax Salaad Aadan loo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maamul wanaaga.

25-Waxaa Axmed Naxar Siciid Aw-nuur loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.

Madaxweyne Deni oo xilalkii ugu badnaa magacaabay (Akhriso Magacyada)
To Top