WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweyne Deni oo Maanta la kulmay wafdi ka socday Beesha Caalamka

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa Maanta oo Axad ah gaaray wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo ay hoggaamineysay Anita Kiki Gbeho oo ah ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay, Wefti ay  hoggaaminayso  Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho iyo Wafdi ay hoggaaminayso.

Wafdiga uu maanta qaabilay Madaxweynuhu waxaa ka mid ah Wakiilka Midowga Europe ee Soomaaliya Tiina Intelmann, Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, Ku-xigeenkiisa Fiona Lortan iyo Ibraahim Mohamed Abdi oo ka socda IGAD.

Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Doorashadda iyo Abaaraha, waxaana Madaxweynaha Kala qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Madaxweyne Deni oo Maanta la kulmay wafdi ka socday Beesha Caalamka
To Top