WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Axmed Madoobe oo muddo xileedkiisa kororsaday

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka  Jubbaland ayaa maanta oo Axad ah  kulan ku yeeshay Xaruntooda ay ku shaqeeyaan ee ku taalla Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ahna Caasimadda KMG ah ee Jubbaland.

Kulankan oo ahaa kalfadhigi afaraad fadhigiisi shanaad ee Xildhibaanada Jubbalad ayaa ajandihiisu ahaa in wax ka badal lagu sameeyo dastuurka Maamulka Jubbaland, waxaana kulanka soo xaadiray 58 xildhibaan.

Xildhibaanada ayaa dood ka yeeshay soo jeedin bishii hore ay soo jeediyeen 30 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Jubbaland, taasoo aheyd in wax ka badal lagu sameeyo dastuurka Jubbaland Qodobka 28aad iyo qodobka 70aad.

Xildhibaanada ayaa dood dheer kadib ansixiyey in la badalo labaas qodob islamarkaana muddo xileedka Xukuumadda iyo Baarlamaanka Jubbaland oo markii hore ahayd 4 sanno laga dhigo 5 sanno, waxaana ogolaaday 55 Xildhibaan, 2 xildhiaan ayaa diiday halka 1 xildhibaan uu ka aamusay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka  Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxaam ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada kulanka, muddo xileedkiisa Madaxweynaha ayaa ahaa afar sanno, balse hadda ayaa laga dhigay 5 sanno.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo muddo xileedkiisa kororsaday
To Top