WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Turkiga oo Booqasho ku tegaya dalal ka tirsan Afrika

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa waxaa Maanta oo Axad ah u bilaabantay booqasho rasmi ah oo uu ku tegay dalalka Koongada Dimuqraadiga  (DRC), Senegal iyo Gini  Bisaa (Guinea-Bissau).

Hadal ka soo baxay Madaxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegay in booqasha Madaxweynaha qaadan doonto muddo 4 maalmood, isagoo Madaxda dalalkaasi kala xaajoodka doono Xoojinta Xiriirkooda iyo Iskaashiga Danaha ay la wadaagaan Turkiga.

Madaxweyne Erdoğan ayaa muddada uu joogo Caasimadda dalka Senegal ee Dakar waxa uu ka qeyb geli doonaa Munaasabadda Furitaanka ee Garoonka Olombikada ee The  Dakar Olympic Stadium oo uu Turkiga ka dhisay dalkaasi.

Erdoğan waxa kale oo uu Xariga ka jari doonaa Dhismaha Cusub ee Safaaradda Turkiga ee dhawaan laga dhisay Caasimadda dalka Senegal ee Dakar.

Madaxweynaha Turkiga oo Booqasho ku tegaya dalal ka tirsan Afrika
To Top