WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Somaliland oo Safiirka Midowga Yurub kala hadlay Doorashooyinka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Midowga Yurub, Amb. Tiina Intelmann oo ay wehelinayeen Safiirka Sweden Amb. Per Lindgarde iyo Maria Groeneveld oo ka socotay Xafiiska Midowga Yurub ee Nairobi.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay doorashooyinka ku soo foolka leh Somaliland iyo Abaaraha ku soo wajahan Geeska Afrika, gaar ahaan Abaarta ku soo noq-noqotay Somaliland.

Kulanka inta uu socday ayaa waxaa kaloo kulanka looga arrinsaday sidii ay midowga Yurub gacan uga geysan lahaayeen mustaqbalka iyo kor u qaadidda iskaashiga Somaliland iyo Midowga Yurub.

Madaxweynaha waxa ku wehelinaayey kulankaasi wasiir ku xigeenka Arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibeda, Cabdinaasir Cumar Jaamac iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland, Maxamed Cali Bille.

Madaxweynaha Somaliland oo Safiirka Midowga Yurub kala hadlay Doorashooyinka
To Top