WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Somaliland oo Maanta u ambabaxay Itoobiya iyo ujeedka safarkiisa

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu ambabaxay magaalada Addis Ababa, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Madaxweyne Biixi iyo weftigiisa ee aaday Itoobiya ayaa waxaa uu safarkoodu qaadan doonaa muddo maalmo ah, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Inta ay joogaan Magaalada Addis Ababa, Madaxweynaha Somaliland iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay kulamo gaar ah la yeelan doonaan Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Mas’uuliyiin kale, iyagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinaya Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Wasiirrada Wasaaradaha arrimaha Dibadda, Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka iyo xubno kale.

Madaxweynaha Somaliland oo Maanta u ambabaxay Itoobiya iyo ujeedka safarkiisa
To Top