WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Somalia oo Maanta kusii jeeda Jabuuti & xogta socdaalkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxa ay ku wajahan yihiin dalka Jabuuti, iyaga oo saacadaha soo socda ka ambabixi doona Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Jabuuti uga qeyb galaya Shirka caadiga ee Meertada 14-aad ee Golaha Madaxda dowladaha iyo Xukuumadaha ee dalalka xubnaha ka ah Urur-Gobaleedka IGAD oo Berrito oo Isniin ah ka furmi doona dalkaasi.

Madaxda IGAD ayaa waxay shirkooda uga xaajoon doonaan xoojinta Iskaashiga dalalka xubnaha ka ah Urur-Gobaleedkaasi, sare-u-qaadida Is-dhexgalka Bulshada, xoojinta Nabadda, deganaanshaha, kordhinta Dhaqaalaha, Barwaaqaynta iyo Horumarinta

Madaxda waxay kaloo isla eegi doonaan Colaada dalka Sudan iyo sidii loo taageeri lahaa dadaalka Diplomaasiyadeed iyo hawlaha samafalka ee wax looga qabanayo Colaada lagu riiqmay ee dalkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeedin doona sida uu qorshahu yahay Shirka 14-aad ee Urur-Gobaleedka IGAD, waxa uu sidoo kale Xasan Sheekh uu kulamo la yeelan doonaa madaxda qaar ee ka qeyb galeysa shirka.

Madaxweynaha Somalia oo Maanta kusii jeeda Jabuuti & xogta socdaalkiisa
To Top