WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Puntland oo xilka qaadis ku sameeyay Taliye Sare iyo mid cusub oo…

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay xilka qaadis ku sameeyay Taliyihii Booliiska S/ Guuto Cabdi Xasan Xuseen Cabdiyare oo muddo haayay xilkaas Taliyaha Ciidanka.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Saciid Deni oo xilka looga qaaday Cabdiyare ayaa sidoo kale lagu magacaabay Taliyaha cusub ee Booliiska Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi.

Gen. Cabdi yare ayaa xilkan loo magacaabay 27-kii April ee sannadkii 2020 kadib markii xilka laga qaaday Taliyihii hore ee Booliiska Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse.

Maxamed Cali Xaashi, Taliyaha cusub ee Booliska Puntland ayaa muddo ahaa Taliyaha ciidanka dekedda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxaana laga dalbaday inuu si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday.

Madaxweynaha Puntland oo xilka qaadis ku sameeyay Taliye Sare iyo mid cusub oo…
To Top