WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi  Xuseen Cali Guudlaawe ayaa Maanta oo Isniin ah soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, isagoo ka yimid Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade Airport kusoo dhoweeyay Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, qaar kamid ah Xildhibaanada Maamulka Hirshabeelle iyo Masuuliyiin kale. Oo ka tirsan dowladda Federaalka.

Dhanka kale Madaxweynaha waxa uu garoonka diyaaradaha ee aadan cade kula kulmay Madaxweynihii hore ee Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay iska wareysteen xaaladaha guud ee dalka.

Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Muqdisho, Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxaa kulamo kala duwan la yaalan doonaa Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sh Axmed, iyagoona ka wada hadli doorashada kuraas ku harsan  Magaalada Jowhar.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo soo gaaray Magaalada Muqdisho
To Top