WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo lagu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Aqa lee Baarlamaanka Federaalka iyo Mas’uuliyiin kale, wuxuuna Madaxweynaha ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay.

Safarkan shaqo uu magaalada Muqdisho kusoo gaaray Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadaya xilli Isbuuca soo socda Muqdisho lagu dooran doono Guddonka labada Aqalka ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda ugu sareysa dalka, iyagoo ka wada hadli doonan Arrimo kala duwan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo soo gaaray Magaalada Muqdisho
To Top