Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay Safiirka dawladda Maraykanka ee Soomaaliya Larry Andre iyo Madaxa hay’adda USAID ee Soomaaliya iyo sarakiil ka socotay howlgalka Maraykanka ee Africom.
Madaxweynaha iyo Mas’uuliyiintan ka socotay dowlada Mareykanka ayaa ka wada hadlay arimaha amaanka, dagaalka waxa loogu yeero Argagixisada iyo tageerada mareykanka ee dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska iyo arimaha gobolka geeska Afrika.
Sidoo kale Madaxweye Axmed Madoobe waxaa kulanka lagaga hadlay shaqo abuurka dhalinyarada kasoo noqonaysa xeryaha qoxootiga iyo kuwa gudaha ku barakacay.
Shalay aheyd markii Madaxweynaha Jubbaland uu Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay Safiirka Dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster oo booqasho ku tegay Magaalada Kismaayo.
Kulanka ayaa lagaga hadlay tageerada Dowlada Ingiriiska ee dhinacyada kala duwan gaar ahaan sidii xal waara loogu heli lahaa musiibooyinka soo noqnoqda, nabadgalyada iyo sidii Dowlada Ingiriiska ay u bilaabi lahayd mashariic hormarineed iyo tageero dhinacayada kala duwan ah oo ay ka fulin doonto Jubaland.