WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Federaalka

Madaxweynaha  Jubaland Ahmed Mohamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle Yuusuf, oo ay wehelinayaan gudiyada kala duwan ee doorashooyinka.

Kulanka labada dhinac dhax maray ayaa looga wada hadlay qabsoomida doorashada deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee laga dhigay Magaalada Ceel-Waaq iyo sidii loo dardar galin lahaa qabsoomida doorashadaasi.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa  balan qaaday in Jubaland ay diyaar la tahay wixii tageero ah oo ay guddiyadu uga baahan yihiin sidii loo dhameestiri lahaa doorashada gollaha shacabka ee Jubbaland ku harsan.

Guddiga doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed Jubbaland ayaa sidoo kale la filayaa in ay tagaan magaalada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo, si halkaasi uga qaban qaabiyaan doorashada 16-ka kursi ayna korjeegteeyaan guddiga heer federaal.

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Federaalka
To Top